Wasiirka Amniga Jubbaland oo ka hadlay faragalinta dowlada Soomaaliya ka wado Gedo.

1088

Wasiirka amniga dowlada goboleedka jubbaland oo ku sugan gobolka Gedo oo shir jaraa’id ku qabtay halkaasi ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladaha ka jirta deegaanada gobolka gedo, waxaa uuna sheegay in beled xaaawo luuq iyo doolw ay yihiin sadaxda maagaalo ee kaliya ee Shacab iyo masuuliyiin-ba ay isugu socon karaan marka loo eego magaalooyinka kale ee  Goobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday fara-gelinta dowlada Soomaaliya ay ku heeyso gobolka gedo, isagoo sheegay in dowladu ay magaalooyin ay ciidama soomaaliyeed joogaan ay ciidamo kale ku soo daabushay, wixii dhibaato ka dhacdaane ay masuuliyadeeda ay iyadu leedahay.

Hadalka wasiirka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, iyadoo maalinimadii shalay  magaalada bedel-xawo  shaqaaqo ka dhacday ay isku dhaceen ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga ee kuwadda sugan Balad-xaawo.