Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland oo ka hadashay xaaladda Ka taagan Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Geddo.

1375

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland Cabdirahmaan Maxamed Xussien oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa sheegay in masuuliyadda dhibaatadda ka imaata gobolka geddo ay qaadayso dowladda federaalka Soomaaliya oo ciidamo badan gaysay gobolka Geddo.

“Ciidamadda Jubbaland iyo Ciidamada federaalka waa is hor-fadhiyaan,waxii masuuliyad ahna waxaa qaadanaysa dowladda federaalka ah” sidaa waxaa yidhi wasiir kuxigeenka wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland.

Wasiir ku-xigeenka oo hadalkiisa sii-watta ayaa sheegay in dhamaan garoomadda diyaaradaha gobolka Gedo ay hal-todobaad  xidhan yihiin,xiyaraadna ay saartay dowlladda federaalka Soomaliya taasina ay keentay in dadka shacab-ka ah ee ku dhaqan gobolka geddo ay dhibaato xoog-leh kala kulmeen.

Xaalad cakiran ayaa ka jirta balad-xaawo,waxaana doonaynaa in arintaan si deg-deg ah loo xaliyo”

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada balad-xaawo gaadhay wasiirka Amniga Jubbaland Abdirashiid Xassan Abdinuur oo ka soo baxay gacanta dowladda federaalka ah ,waxii intaas ka danbeeyey dowladda federaalka Soomaaliya ayaa culays saartay gobolka geddo.