Masar oo Cabasho ka gudbisay qorshaha Itoobiya ay ku buuxineyso biyo xireenka Nile

527

Masar ayaa sheegtay in ay Jimcihii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay cabasho ay kaga soo horjeedo qorshaha Itoobiya ay ku buuxinayso kaydka biyo xidheenka muranka dhaliyay ee Niil sannadkii saddexaad iyada oo aan heshiis laga helin dalalka hoose.
Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee laga dhisayo webiga Blue Nile ayaa lagu wadaa inuu noqdo mashruuca ugu weyn ee korontada laga dhaliyo Afrika balse waxa uu udub dhexaad u ahaa khilaafka Masar iyo Suudaan tan iyo markii ay shaqadu bilaabatay 2011-kii.
Masar “Waxay farriin ka heshay dhinaca Itoobiya 26-kii July, taas oo sheegaysa in Itoobiya ay sii wadi doonto buuxinta kaydka biyo-xidheenka inta lagu jiro xilliga daadadka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.
Iyada oo ka jawaabaysa, Masar waxay u qortay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “inay diiwaangeliso diidmadeeda oo ay si buuxda u diiddo sii wadida Itoobiya ee buuxinta biyo-xidheenka ee hal dhinac heshiis la’aan.”

Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in Masar ay ilaalinayso “xaquuqdeeda sharciga ah… in ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo sugo oo loo ilaaliyo ammaankeeda qaranka, oo ay ku jirto khatar kasta oo ay keeni karto tallaabooyinka hal dhinac ee Itoobiya mustaqbalka.”
Addis Ababa ayaa u aragta GERD in uu muhiim u yahay korontadda iyo horumarinta dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan.
Hase yeeshee Qaahira iyo Khartoum ayaa ka cabsi qaba in ay khatar ku noqoto helitaanka biyaha Niilka ee muhiimka ah waxayna dalbadeen heshiis qoraal ah oo ay saddexda waddan ka gaadhaan buuxinta iyo ka shaqaynta biyo-xidheenka.
Biyo-xireenkan oo ku kacaya $4.2-Bilyan (3.7-bilyan-euro) ayaa ugu dambayntii la filayaa in uu soo saaro in ka badan 5,000 oo megawatts oo koronto ah, taas oo ka badan laban laabmidda wax soo saarka Itoobiya. Midka ugu horreeya ee 13 marawaxadaha ayaa bilaabay inay soo saaraan koronto bishii Febraayo.
Geedi socodka buuxinta kaydka baaxadda leh ee GERD waxa uu bilaabmay sanadkii 2020, iyada oo Itoobiya ay ku dhawaaqday bishii July ee sanadkaas in ay gaadhay hadafkeedii ahaa 4.9 billion cubic meter.
Wadarta guud ee kaydka ayaa ah 74 bilyan oo mitir kuyuub ah, bartilmaameedka 2021-ka wuxuu ahaa in lagu daro 13.5 bilyan, bartilmaameedka Itoobiya ayaa sheegtay inay buuxisay.
Ergeyga cusub ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer ayaa Jimcihii ku sugnaa dalka Itoobiya isagoo hore wada hadalo la filayey inay ka mid yihiin muranka biyo xidheenka. Ergeyga uu horey ula yeeshay Masar Isniintii.

“Waxaan si firfircoon ugu hawlannahay inaan taageerno dariiqa diblumaasiyadeed ee horay loogu sii soconayo ee hoos yimaada Midowga Afrika kaas oo ku yimaada heshiis bixiya baahida mustaqbalka fog ee muwaadin kasta oo ku teedsan wabiga Niil,” ayuu yidhi.