Musuuliyiin Ka Tirsan Dowlad GobeleedJubbaland oo Gaaray Deegaanka Fuuma Ee Galbeedka Magaalada Kismaayo

735

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland  Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi kale oo uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Fuuma ee dhanka Galbeed kaga beegan Xarunta KMG jubbaland ee Kismaayo

Safarka ayaa waxaa madaxweynaha kuwehliyay qaar ka mid ah labada gole ee Maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa magaalada iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka safarka ayaa ahaa sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ay u soo gudbiyeen dadka degaanka ee ah in ay ku dhib qabaan dad ay ku sheegeen in ay ku hawlan yihiin jarista dhirta oo keeni karta in uu dhulku nabaad guuro, waxayna masuuliyiinti ka socday Jubbaland iyo bulshada ku dhaqan degaanadaas isla qaateen in si wada jir ah looga soo horjeesto dadka degaanka nabaad guurka kawada.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sidookale dadka degaanka kala hadlay in Maamulka lagala shaqeeyo ilaalinta degaanka iyo Amniga degaanka sinabad loogu wada nolaado.