Amniga Magaalada Boosaaso Oo Go’aano laga soo saaray

547

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Cabdiqaadir Jaamac (Dirir) ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ujeedkiisu ahaa Amniga Magaalad Bosaaso ee Gobalka Bari kaas oo ka dhacay Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maxkamadaha’ Garsoorka’ Xeer ilaaliyaasha Maxkamada Ciidmaada iyo tan darajada 1-aad ee Gobalka Bari iyo dhamaan Sarakisha ciidanka Booliska Gobalka Bari oo uu ugu horeeyo Taliye ku xigenka Qaybta Booliska G/dhexe khalaid maxamed C/raxmaN.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa saraakiisha amniga iyo Masuuliyiinta kale u sheegay inaan la aqbali karin falalka amnidarada la xariira ee ka dhaca Magaalada islamarkaana ay muhiim tahay xoojinta wada shaqeynta iyo in gacan adag lagu qabto cid kaste oo halis ku ah nabadgalyada bulshada.

Shirkan oo ahaa mid isla xisaabtan iyo xog isweydarsi ah ayaa waxaa aad looga dooday soo gudbinta caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo, iyadoo ugu dambeyn la faray Sarakisha Booliska in talaaba deg deg ah laga qaado cid kasta oo wax u dhimeysa amniga guud ee Gobalka Bari.

Shirka Amniga ayaa inta uu socday waxaa laga soo saaray Go’aamo la xiriira dhinaca amniga iyo in la xoojiiyo iyo in laga hortago weerarada Al-Shabaab & Daacish, mukhaadaraadka iyo dhalinyarada dhibatada dhaca moobilada ku Haaya Bushada iyo wada shaqeynta xaafadaha iyo Laamaha amaanka iyagoo bulshada ay kaashanaaya ciidamada Booliska Gobalka Bari.