Frenkie de Jong Oo Man United Ku War Galiyay Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah

591

Xiddiga Frenkie de Jong ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay madaxda Manchester United inuu doonayo inuu sii joogo Barcelona xagaagan.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xagaagan oo dhan iyada oo tababaraha Man United ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad ee xagaaga.

Bilowgii bishan, Man United ayaa heshiis buuxda la gaadhay Barcelona si ay u hesho saxiixa De Jong lacagtaas oo ku kacaysa 72 milyan oo euro.

Laakiin kooxda Premier League ayaa ku dhibaatoonaysa in ay xiddiga ku qanciso in uu yimaado Old Trafford sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona.

Sida laga soo xigtay Cadena Ser, De Jong ayaa maamulka Man United ku war galiyay in uuna doonayn in uu ku biiro kooxda Red Devils isla markaas doonayo in uu sii joogo Barcelona.

Sidoo kale xiddiga ayaa xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Barcelona u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona suuqa xagaagan.