DEG-DEG: Horyaalka Premier League Ee Xilli-ciyaareedkan Oo Isbeddel Weyn Lagu Sameeyey

597

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa isbeddel badan lagu arki doonaa xilli ciyaareedka foodda inagu soo haya ee bilaabmi doona horraanta bisha August, waxaanay taageereyaashu la dhici doonaan qorshaha maamulka horyaalkula  yimid ee lagu dedejinayo qaabka  ciyaarta.

Premier League oo ah horyaalka loogu daawashada badan yahay dunida ayaa waxa uu soo kordhinayaa qorshe lagu yaraynayo waqtiga ku luma ciyaarta dhexdeeda, waxaana la keenayaa nidaam dedejinaya ciyaarta, isla markaana meesha ka saaraya daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu darayay dhamaadka ciyaarta iyo dhamaadka waqtiga nasashada intaba.

Qish laga helay qorshan oo ay soo dhoweeyeen taageereyaasha kubadda cagtu ayaa waxa uu sheegayaa in garoonka la keeni doono kubbado badan oo meesha ka saara waqti lumiskii iyo inta ay ciyaartoydu sugayaan kubbadaha ay wiilasha garoonka jooga usoo dhiibayaan amaba ay iyagu doonanayaan ee waqtiga lumiya.

Garoon kasta waxa intaanay ciyaartu bilaabmin ka hor la geyn doonaa 10 kubbadood oo ah kuwa loogu talo-galay ciyaartaas, waxaana la dhigi doonaa meelo u dhow halka ay ciyaartoydu uga baahan karayaan, taas oo uu qorshuhu yahay in lagu yareeyo waqtigii lumi jiray.

Hal kubbad ayaa garoonka dhexdiisa tegi doonta oo lagu ciyaari doonaa, midna waxa loo dhiibi doonaa garsooraha afraad ee ciyaarta oo ku hayn doona kursiga uu fadhiyo, halka siddeedda kalena loo calaamadinayo meelo kala duwan oo laynka garoonka ah.

Laba kubbadood ayaa gool walba agtiisa la dhigi doonaa, waana meel aan ka durugsanayn birta goolka, laakiin laga ilaalinayo inay rabshad ku keeni karto aaladda sheegta goolka dhasha ee ‘Hawk-Eye’ ee ay saacadda garsooruhu qayliso marka ay kubaddu xariiqda ka gudubto.

Kooxaha ayaa loo sheegay in ay isticmaalaan kubbadaha siddeedda ah oo la dhigayo meel ciyaartoydu ay si fudud ku gaadhi karayaan, waxaana koox walba laga doonayaa in ay ciyaartoydeedu u degdegaan inay hore u bilaabaan kubadda.

Waxa kale oo isbeddelkan laga doonayaa in ciyaartoygu uu si degdeg ah u tuuro marka kubaddu ka baxdo dhinaca garoonka isla markaana aanu la istaagin oo aanu ciyaartoyda kooxdiisa aad u raadin haddii uu waayo mid bannaan oo uu kubadda u tuuro.