Wasaarada Waxbarashada Jubbaland oo ka hadashay u diyaar garowga Imtixaanka qaran ee dugsiyada sare ee dalka

830

Agaasimaha waaxda Imtixaanadka wasaarada waxbarashada Jubbaland Axmed Faarah Cali (Aways) ayaa sheegay in imtixaanka qaran ee dugsiga sare la qabanaayo sided iyo tobanka Bishaan Juun.
Ahmed Faarah Cali Ayaa sheegay in siwayn loogu diyaar garoobay Imtixaanka dugsiga Sarre,maadamadib u yara dhacay sanadkaan Imtixaanka dugsiga Sarre.

Ha yeeshee war ka soo baxay maanta Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka ay ku shaacisay in la qabanayo Imtixaanka shahaadiga ah oo halis ugu jiray in uu baaqdo.

Ka dib markii Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud uu amray in la fududeeyo dhaqaalaha ku baxaya qabsoomida imtixaanka dugsiga sare looga gudbayo 2021/2022 isaga oo arintaa kala hadlay wasaarada maaliyada ee dalka.