Ciidanka Dana bee Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa degaanka War-ciise ka fuliyay howlgal qorsheeysan ,kaasi oo lagu dilay maleeshiyaad Al-Shabaab ah,isla markaana lagu lagu soo qabtay qaar kale oo ka mid ah kooxdaasi.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen:Odowaa Yuusuf Raage, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada xoogga ay dileen maleeshiyaad gaaraya 7-ruux,isla markaana ay argagixisada ka soo furteen hub iyo gaari noociisu yahay Hoomey oo ay adeegsan jireen kooxdaasi.
Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortagga dhagarta argagixisada ay u soo maleegayaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed
Howlgalka ayaa waxaa khasaare xoogan lagu gaarsiiyay nabadiidka, iyadoo laga gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka War Ciise sida saldhigii maxkamad beenaadki ay ku dhibaateeyn jireen dadka shacabka ah.