Cabdikariin Xusein Guuleed Oo Ka haray Tartanka Madaxweynaha JFS

629

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ay ka dhacdo 15-ka bishaan May oo ku beegsan maalinta Axada ee todobaadka soo socoda.

Magaalada ayaa waxaa 72 saac ee u dambeysay ka socday olole doorasho aad u adeg, isla markaana waxaa dhacay kulamo siyaasadeed oo wadeen Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dowladda, iyadoona weli socdaan Shirar u badan isbaheysi siyaasadeed.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ahna Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u tanaasulay Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kadib kulamo ay yeesheen, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Qoorqoor.

Dhinaca kale Musharax  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashada Madaxweynaha dalka oo dhaceysa 15-ka May, wuxuuna Sheekh Shariif uu Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyay  doorkiisa in Soomaaliya maanta ka qabsoonto doorashada Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha oo loo madlan yahay.