
Ciidanka howl-galka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay malleeshiyada Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Hubkan oo isugu jira dheshiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan ayaa waxaa kasoo furtay nabad-ddika Al-shabaab Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo howl-gallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose.
Marwo, Fiona Lortan, oo ah taliye ku xigeenka ATMIS ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo howl-galka midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga furto Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Jeneraal: Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejisay SNA, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidanka xoogga dalka

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







