Wasiirka wasaarada amniga dowlad goboleedka Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan dhuumaal ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday heya’dda the Hala Trust oo kamid ah hayadaha ka shaqeeya burburinta miinooyinka iyo haraadiga hubka iyo sida loo keediyo hubka.
kulankaan ayaa waxaa goob joog ahaa taliyaha ciidanka boliska Sadiiq Maxamed Dhogor waxaana looga hadlayeye arimaha minooyinka iyo haraadiga hubka iyo sidii looga wacyi galin Lahaa bulshada qataraha walxaha qarxa
Wasiirka wasaarada amniga gudaha dowlad goboleedka jubbaland sareeye gaas yuusuf xuseen cusmaan dhuumaal ayaa markii uu soo idlaadey la hadlay warbaahinta asgoona faah faahiyay u jeedka kulanka.