Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qeyb galay Furitaanka Shirweynaha golaha fulinta Midowga Afrika

842

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Cabdi saciid Muuse Cali, iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Adisababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galay Xafladda Furitaanka Shirweynaha 40-aad ee golaha fulinta Midowga Afrika.

Shirkaan oo looga hadli doono muddada uu socdo arrimo badan oo muhiimad gaar ah u leh Qaaradda Afrika ayaa maanta waxaa ka qeyb galay furitaankiisa Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Afrika.