Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qeyb galay Furitaanka Shirweynaha golaha fulinta Midowga Afrika

0
987

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Cabdi saciid Muuse Cali, iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Adisababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galay Xafladda Furitaanka Shirweynaha 40-aad ee golaha fulinta Midowga Afrika.

Shirkaan oo looga hadli doono muddada uu socdo arrimo badan oo muhiimad gaar ah u leh Qaaradda Afrika ayaa maanta waxaa ka qeyb galay furitaankiisa Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Afrika.