Ku dhawaad ilaa iyo boqol qoys ayaa ku barakacay deegaanka yoontooy ee duleedka dhanka waqooyi Ee kismaayo kuwaa oo kasoo hayaamay deegaanada qooqaani iyo taabto oo katirsan gobolka jubada hoose.
Dadkaan oo isugu jirra haween,carruur iyo dad da’a ah ayaa xilligaan wajahaya xaalad dhanka noolasha oo ay ugu horayso dhanka caafimaad.
Gudoomiyaha deegaanka yoontooy Abuukar Maxamed faraji oo lahadlay radio kismaayo ayaa uxaqiijiyay inay dadkaan saameyn togan iyo tobanba ku yeelatay abaaraha ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah deegaanada jubbaland.
Majirto gargaar kayimid dhanka dowlad goboleedka jubbaland sida uu markale shaaciyay gudoomiyaha waxaana uu codsaday in si deg deg ah gargaar lala soo gaaro dadkaan.
Gobolada intooda badan ee soomaaliya oo ay abaaraha ku dhufteen ayaa saameynta ugu badan waxaa ay ku yeesheen dadka xoolo dhaqatada sidda dhawaan warbixin qaramada midoobay ay siidaysay lagu shaaciyay