Wasaaradda gargaarka Jubbaland oo maanta ku wareejisay gudiga ka hortaga masiibooyinka deeg lacageed oo ka imaatay dowladda Federaalka Soomaaliya

809

 

Wasiirka Wasarada Gargaarka iyo Mareynta Masiibooyinka Jubblanad Cabdiraxman Cabdi Ahmed ayaa lacag dhan Sodan iyo shankun oo lacagta mareykanka lacagtaas oo ay soo gaarsiisay dowlada federaalka Soomaalia.
Cabdirahmaan Cabdi Ahmed Wasiirka Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Jubbaland ayaa deeqda lacageed ee la soo gaadhsiiyey ku wareejiyey Gudiga ka hortaga masiibooyinka oo hoostaga wasaaradda gargaarka Maaraynta iyo Masiibooyinka Jubbaland si loo gaadhsiiyey dadka abaaraha ay saamaeeyeen.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiir-kuxigeenka wasaarada gargaarka iyo maraynta masiibooyinka Jubbaland faarax Muqtaar iyo Agasimaha wasarada gargaarka Abdirashiid Cumar faratoon iyo gudiga ka hortaga Masibooyinka jubblanad.

Ugu horaynti waxaa madasha ka hdlay Ugaas Abdullahi Siraad Abdi oo ka mid gudiga ka hortaga abaaraha Jubblanad ayaa oga mahad celiyay lacagta logu tala galay dadka ku nool Jubblanad ee ay abaaraha saameyen.

Dhanka kale wasiirka wasaarada gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Jubblanad Abdirahmaan Abdi Ahmed ayaa mahad celin u diray dowlada Somalia ee bixisay deeqdan lacageed ee loogu deeqay dadka abaaraha ay saameeyeen.