Wasaaradda waxbrashada Jubbaland oo kormeer ku tagay qaar ka mida goobaha waxbarashada degmada Kismaayo

1117

Wasir kuxigeenka Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Jubbaland Muqtaar Kaamil kuuleey ayaa kurmeer ku tagay qaar ka mid ah iskuulada degmada kismaayo waxana kamida iskuulada uu kormeeray Ganaane, Midnimo, Khaalid binu waliid, Horyaal iyo badar.

Kormerkan ayaa waxa wasiir ku-xigeenka wasaradda waxbarshada ku wehelanayey Gudomiyaha arimaha bulshada barlamanka Jubbaland xildhiban Shire Cabdi Maxamed, iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.

Qaar kamid ah ardayda iskuulada degmada kismaayo ayaa ka mahadceliyey booqashada oo uu ugu tagay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.

Mamulaha iskuulka Midnimo Maxamed Cabdikariin Nuur ayaa soo dhaweeyey Masuuliyiinta uu hogaamiyey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarshada Jubbaland.

Wasir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo taclinta sare ee Jubbaland Muqtar Kamil ayaa ka warbixiyay ujeedada kormeerkan uu ku tagay qaar ka mid ah Iskuulada magaalada Kismaayo.