Mareykanka Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Ku Aaddan Doorashada Soomaaliya

766

 

Dowladda Mareykanka ayaa baaq u dirtay hoggaamiyeyaasha Soomaalida, waxaana sidoo kale laga dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dooarshada lagu qabto.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku faah faahiyay kulan uu la qatay Madaxweynaha Kenya iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Antony Blinken iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay sida degdegga ah ee loo joojinayo dagaalka si xal looga gaaro colaadaha sii xoogeysanaya ee ka socda Itoobiya.

Waxaana sidoo kale diiradda lagu saaray kulanka labada mas’uul in Madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo inay is-xakameeyaan.