Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Badda Mareykanka ayay ku qabteen Hub lagu waday Doon kasoo shiraacday Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan kaas oo u socday Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalameyso sida lagu sheegay war kasoo baxay Mareykanka.
Howlgalkaan oo dhacay Isniintii 20ka December 2021 ayaa lagu qabtay hub gaaraya 1,400 oo ah qoryaha nooca loo yaqaan (AK47), 226,600 oo rasaas ah & 5 ruux oo u dhashay Dalka Yemen oo iska dhigay in ay kalluumeysanayeen.
Markab dagaal oo ay la socdeen Ciidamada Badda Mareykanka ayaa ku dhawaaday Doonta, askarta ayaa si feejin gudaha ugu gashay iyaga oo arkay Qoryaha iyo Hubka sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Mareykanka.
Iiraan ayaa dhowr jeer iska fogeysay Eedeyn uga timid Mareykanka oo ah in hub iyo rasaas ay ku qabteen Biyaha Caalamiga ah ay u waday Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka kula jirta Isbaheysiga Sacuudiga oo taageero ka hela Mareykanka, Ingiriiska iyo waddamo kale.
Mareykanka ma sheegin waxa uu ka yeellayo hubkaan, goobta uu geynayo & mustaqbalka dhaw iyo kan fog waxa uu ka sameynayo, CBS News ayaa sheegay in howlgallada Ciidamada badda Mareykanka ay kordheen wixii ka dambeeyay September 2021.
Dagaallada ka socda Yemen ayaa soo billawday 2014kii, Isbaheysiga Sacuudiga oo garabsiinaya Dowladda caalamka aqoonsiga ka heysata ayaa dagaal xooggan la gashay Kooxda Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay in ay taageero ka hesho Iiraan.
Dagaalka Yemen waxaa ku dhintay in ka badan 130,000 oo ruux, dhaawaca ayaa intaas ka badan, barakaca waa xad dhaaf halka xaaladda bani aadamnimo ay gaartay meel halis ah sida ay sheegeen howlwadeenno katirsan Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.