Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Ee Jubbaland Maxamuud Sayid Adan Ayaa Ka Hadley Abaaraha Daran Ee Xiligaan Ka Tagagan Gaboblka Gedo

1185

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka Hadley abaaraha daran ee xilligani ka taagan gobolka gedo iyo carqaladaha ka heesta dowlad goboleedka Jubbaland in ay gaarsiiyaan gargaar dadka ku dhibaateesan halkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo wareesi siiye laanta af soomaaliga ah ee BBC-da ayaa sheegay in abaaro baaxad leh ay saameeyeen dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool gobolka gedo ay ka dhamaadeen xoolahoodi isagoona sheegay in gargaar bini aadanimo loo sameeyo dadkaasi ay ka hor tagaan tahay dowlada federaalka ah ee soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in roobabkii dayrta iyo gu’ga oo yaraadey awgeed ay keentay abaarta isagoona xusay in deegaanada ka fog wabiga Jubba ay yihiin kuwa abaaraha ugu daran ay ka jiraan.

Madaxweyne kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqey in aan la siyaasadeen gurmadka loo fidinayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee xoolahooda iyo iyagaba halista ugu jira abaarta abaaraha ka jira gobolka gedo