Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo ku baaqday in gurmad deg deg ah loo sameeyo dadka abaaraha ay saameeyeen

738

Wasaaradda Gargaarka Maaraynta iyo masiibooyinka Jubbaland ayaa manta magaalada Kismaayo ku Qabatay shir looga hadlaayey xaaladihii ugu danbeeyey abaaraha ka jira deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Hay’adda gargaarka ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ee bahwadaagta la ah wasaarada gargaarka,maaraynta iyo masiibooyinka Jubbaland,waxaana looga hadlay sidii loogu gurman-lahaa dadka ay abaaraha saameeyeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Jubbaland Cabdirashiid Cumar Faratoon ayaa warbaahinta la hadlay markii uu shirka soo dhamaaday.

“marxalada hadda lagu jiro waa marxalad aad u adag oo deegaanada Jubbaland ay ka jirto abaar saamaysay dadka iyo duunyadaba,manta markaa kulankaan kulamdii hore waxaa uu uga duwanaa waxaan diirada ku saarnay arimaha abaaraha iyo sidii dadka Jubbaland ku dhaqan gurmad loogu samayn lahaa”sidaa waxaa yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda Gargaarka maaraynta iyo masiibooyinka Jubbaland oo la hadlaayey Radio Kismaayo.

Agaasimaha ayaa sheegay in wasaaradda  gargaarka ay  biyo dhaamin ay ka samaysay qaybo ka mida gobolka Jubada hoose sida degmada Afmadow,Badhaadhe,Dhoobley iyo Waliba Degmada Ceelwaaq ee Gobolka balse loo bahan yahay in gurmadka intaas laga sii badiyo maadama abaarta ay sii daba-dheeraatay xaaladuna ay ka sii darayso.

“run ahaantii hay’adaha iyo aniga oo ah wasaaradda waxaan isla qaadanay in dadka gurmad deg deg ah loo fidiyo,waxaana dadwaynaha ka codsanaya in qof-walba oo wax la bixi kara uu wax la baxo”sidaas waxa yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Jubbaland Cabdirashiid Cumar Faratoon.

Bilihii la soo dhaafay ilaa hadda ayaa dadka reer guuraaga ah ee ku nool sadex gobol Jubbaland waxaa ay wajahayaan abaar daba-dheeratay oo saamaysay dadka iyo duunyadaba,waxaana xogaha lagu hellayaa in dad badan ay xoolihii dhaafeen.