Wafdi isugu jiray wasiirro iyo xildhibaano oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobalka Shabeellaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaarey deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi.
Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa Radio-muqdisho u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.
“Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Malleeshiyada arggixisada Ee Alshabaaab. Ayuu yiri Gudoomiye najax.
Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii.
Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wada dadaaalo ku aadan sidii dhamaan goobihii laga xoreeyay maleeshiyad Al-Shabaab loogu soo celin lahaa dhamaan adeegyadii aas-aasiga ahaa ee Maleeshiyada Shabaab ay ka go”doomiyeen Shacabka isagooo shacabkana u sheegey dhawan guud ahaan gobalka la xureyn doono argagixisAda.