Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya Ciidamada gaarka ah ee ka howlgala kantoroolka Magaalo qaran ay gacanta kusoo dhigeen hub sharci daro ah, kuwaas oo la doonayay in la geliyo magaaladaas.
Hubka ayaa saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlad deganka ay sheegeen in lagu waday gaari, waxaana la socda rasaas farabadan oo jawaano lagu shubay, kuwaas oo la doonayay inĀ la geliyo halka lagu Magacaabo Magaalo-qaran
Sidoo kale saraakiisha Ciidamada dowlad degaanka waxaa ay sheegeen inay Ciidamada markasta heegan ugu jiraan ka hortaga waxyaabaha halis galinaya bulshada & amniga.
Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada dowlad degaanka ay sidaan oo kale gacanta ugu dhigeen hub farabadan, kaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay isku adeegsanayen qowmiyadaha kala duwan ee dega Itoobiya oo Soomalida kamid tahay.