Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo xalay afur u sameeyay Xildhibaanada Jubbaland

970

 

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Aqalka martida afur sharafeed ugu sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Afurkan oo sanad walba bisha Ramadaan uu Madaxweynahu u sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay mudanayaasha Baarlamaanka iyo gudoonkooda waxaa kale oo kasoo qayb galay Xildhibaano iyo Senataro katirsan Baarlamaanka JFS iyo qaar kamid ah golaha Xukuumada Jubbaland.

Afur sharafeedkan oo ah kii afraad oo Madaxweynahu u sameeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ahaa mid la iskaga xog waraysanayay halka uu marayo xaalka dalka waxyaabaha qabsoomay iyo hiigsiga Shacabka ree Jubbaland ee la xiriira dhismaha Dowladnimada iyo hor u qaadida hormarka guud ahaan