Jubbaland Oo Digniin Culus U Diray Odayaasha

1102

Golaha amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulan deg deg ah oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka  Jubbaland  mudane Axmed Maxamed Islaam ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga deegaanada Jubbaland iyo u diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.

 

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa laga soo saaray Go’aano lagu xaqiijinayo sugida amniga deegaanada Maamulka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Kulanka ay yeesheen Golaha oo ka qabsoomay Kismaayo.

 

Jubbaland ayaa digniin u dirtay Odayaasha dhaqanka deegaanadeeda iyo cid kasta oo xiriir la leh Al-shabaab, waxaana Saraakiisha amniga gaar ahaan Hay’addaha NISA Jubbaland la faray inay tallaabo adeg ka qaado cid kasta oo ku xad-gudubta amniga