Waxaa saqdii dhexe ee xalay dalka Koonfur Afrika gaar ahaan deegaanka kwaNobuhle township ee Gobolka Eastern Cape ee dalkaas ka dhacay rabshado xoogan iyo boob loo geystay goobo Ganacsi oo ay leeyihiin dad Soomaali ah.
Rabshadaha iyo boobka ka dhacay Gobolka Eastern Cape ayaa ka dambeeyay, ka gadaal markii mid kamid ah Ganacsatada Ajaanibta ee Itoobiya uu toogasho ku dilay qof kamid ah dadka degaanka Gobolkaas oo Ganacsade ahaa.
Toogasho kale oo dhacday ayaa waxaa lagu dilay labo qof kale oo Ajaanib ah oo kamid ahaa Ajaanibta Ganacsiyada ku leh KwaNobuhle, kuwaasi oo lagu dhex dilay goob Ganacsi oo ay lahaayeen.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in burcad Koonfur Afrikaan ah ay boob u geysteen ilaa 7 dukaan oo 3 kamid ah ay Ganacsato Soomaali leeyihiin halka 4-ta kalena ay leeyihiin Ganacsato Itoobiyaan ah, waxaana Dukaamada la qabadsiiyay dab.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa si deg deg ah u tegay deegaanka kwaNobuhle township ee Gobolka Eastern Cape, iyagoona xiray aaga, isla markaana dad u diidayay inay ka agdhawaadan goobaha la boobay.