Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka
Madaxweynaha oo hogaaminayay wafdi ka kooban labada gole ee Dowlada waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ujeedka Madaxweynaha Dowlad Jubbaland ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo saacadaha soo socda si rasmi ah u furmi doona.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa fulinta iyo dardar-gelinta heshiiskii 27-kii May 2021 laga gaaray qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacaya, kadib markii ku dhow sanad uu khilaaf ka taagnaa doorashada.
Shirkaan ayaa lagu waday in Maanta oo sabti ah uu ka furmo Magaalada Muqdisho, balse dib u dhac ayaa ku yimid, sababo la xiriira Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada oo intooda badan ka maqan Caasimadda dalka.