Haweenka deegaanada Gosha ee Waqooyiga Kismaayo oo loo qabtay Wacygalin ku saabsan Khataraha ay la Kulmi Karaan

980

Wasaaradda Haweenka Arimaha qoyska iyo xuquuqul Insaanka Jubbaland ayaa wadda wacyigalin lagu wacyigalinaayo haweenka ku nool tuulooyinka dhinaca waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo.

 

Haweenkaan ayaa wacyigalinayaa sidii ay uga hor tagilahaayeen Tacadiya haweenka ay la kulmaan,sida marka haweenka ay  doonayaan xabaada iyo biyaha aadan  in koox koox ay isu raacaan si  hadii ay la kulmaan khatar ay isu difaaci karaan  iyo sidoo kale in aysan aadin meel ka fog magaalada hadii ay qofta dumarka kaligii tahay.

 

Waxaa kale haweenka lagu wacyigalinaayey in hadii ay la kulmaan kufsi in ay goor hore tagaan Goobta cafimaad ee markaas ugu dhow iyo saldhiga booliska deegaanka ay ku nooshahay si cadaymaha loo xaqiijiyo

 

Cabdulqadir Cabdi yare oo ah agaasimaha waaxda Caruuurta iyo arimaha qoyska ayaa Radio Kismaayo uga warbixiyey wacyigalintaan iyo haweenka sida ay uga faa’iidaysteen.

 

Waalidiinta  deeganada  Goobweyn,  Yoontoy, Buulagudud, Qaam Qaam , Xaajiweyne  ayaa waxaa iyagana lafaray in gabdha xoolaha laraacin ama aan loo dirin meelo ka baxsan deeganada si looga hor tago qataraha soo waji kara.

 

Wacyigalintaan oo socotay ilaa dabayaqadii sanadkii aan soo dhafay dhawaana la filaayo in la soo xidho ayaa waxaa wasaarada ka gacan siinayey hay’adda AVSI

Hoos ka dhageyso Agaasimaha waaxda Caruuurta iyo arimaha qoyska