Hordhac: Somaliya Vs Oman: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiddigaha Ocean Stars Ku Bilaaban Doonaan Tartanka FIFA Arab Cup.

0
1218

Xulka qaranka Somaliya ayaa la ciyaari doona xulka Oman kulan ka tirsan kulamada is reeb-reebka Koobka FIFA Arab Cup kaas oo ka dhici doona garoonka Jassim Bin Hamad Stadium.

Xulka Somaliya ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay iska xaadiriyaan wareega Group-yada si ay u ciyaaraan tartankoodii ugu weynaa muddo sanado ah.

Dhanka kale Xulka Oman ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ugu cad-cad in ay badiyaan kulanka waxana ay doonayaan in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay aadaan wareega Group-yada