Madaxweynaha Puntland oo maanta hortagaya baarlamaanka Puntlan

930

Waxaa Maanta oo talaado lagu wadaa in Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu si rasmi ah uga furmo kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland, kadib markii uu dhammaaday kal-fadhigii hore ee 47-aad.

Munaasabad furitaanka kal-fadhiga 48-ad ee Baarlamaanka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkaas oo lagu casuumay Madasha.

Madaxweye Saciid Deni ayaa Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka ka jeedin doona Khudbad uu uga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan Puntland, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha Doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla Ajendayaal kala duwan oo ay ku jiraan doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo ka doodista heshiiska horumarinta dekedda Boosaaso ee DP World.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 48-aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland, waxaana Xarunta Golaha kusii qul-qulaya Mas’uuliyiinta.

Ammaanka guud ee Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Munaasabadda lagu qabanayo.