shir looga hadlayay horumarka Jubbaland oo lagu qabtay Kismaayo

1268

Mid ka mid ah Beelaha daga deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta iskugu imaadey kulan lagu taageerayo Nabadda iyo Horumarka ka jirta deegaanada Jubbaland.

Kulanka lagu tageerayay Amniga iyo Horumarka Jubbaland waxaa ka soo qayb galay Xildhibaano ka socday golaha shacabka Soomaaliya Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Beeraha Wasiir ku Xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Odayasha Dhaqanka iyo Marti Sharaf kale.

Salaadiintii ka soo qayb gashay kulanka ayaa bogaadiyay horumarka la taaban karo ee ay ku tillaabsatey dowlad goboleedka Jubbaland.

Qaar ka mid ah Mas`uulliyiintii ka hadlay Madasha ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay dowlad loo dhanyahay,Waxayna si kulul u Cambareyeen Hadalkii ka Soo Yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Maxamed Maxamuud Tooxow Suldaanka Beesha ayaa shegay inay mar walbo garab taagan yihiin Dowlad Goboledka Jubbaland.