Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa la filayaa in kulan ay ku yeeshaan Xarunta Villa Haegeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajenadaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19, U codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo U codeynta sharciga Qaxootiga Qaranka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonanayo inay kasoo qeyb galaan kulanka, si loo dardar-geliyo shaqooyinka horyaala Golaha.
Kulankan ayaa waxaa uu yahay mid siwey Isha loogu haayo, maadama laga shaki qabo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo u sameeyaan muddo kordhin.
15-kii Xildhibaan ee laga mamnuucay fadhiyada Baarlamanka ayaa shaaciyay in Maanta ay tegi doonaan Xarunta Golaha, isla markaana ay ka qeyb galayaan kulanka, wixii ka dhashana oo Mas’uuliyad darro ah uu qaadan doono Guddoomiye Maxamed Mursal.
Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ku saareysa in uusan ku dhaqaaqin Go’aanka muddo kordhinta loogu sameeynayo hay’addaha dowladda iyo Farmaajo, waxaana kulankan lagu balansan yahay Maanta uu horey u baaqday Isniintii lasoo dhaafay.