Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo Maanta markale kulmaya

1062

R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa maanta markale lagu wadaa inuu kulan la qaato xubnaha midowga musharaxiinta mucaaradka, kaasi oo la filayo inuu ka dhaco hotelka Decel oo ku yaala nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan ee magaalada Muqdisho

Kulan ayaa waxaa looga hadli doonaa dhameystirka muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha hortaagan geedi u socodka arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka loo ballansan yahay ayaa sidoo kale waxaa ku casuuman madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo dhiggiisa Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Labada dhinac ayaa horey ugu balamay in maanta oo khamiis ah kulan ay isugu yimaadaan si loo sii wado wadahadalada u dhexeeya R/Wasaaraha soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta mucaaradka ah.

Dhanka kale xubno ka tirsan wakiillada beesha caalamka ayaa weli wada dedaallo ay ku qancinayaan maamullada Puntland iyo Jubaland inay ka qeybgalaan shir madaxeedka Muqdisho ee looga arinsanayo doorashada dalka.

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

Mudada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.