Madaxweynaha dalka Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Somalia waxay shalay kulan khaas ah ku yeesheen Aqalka dowladda ee magaalladda Nairobi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, Ammaanka, Horumarinta, Deganaanshaha iyo Dagaalka Alshabaab.
Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uga mahad celiyey doorka Kenya ee isbedelladda haatan ka socda Somalia, wuxuuna Madaxweyne Uhuru u gudbiyey Dhambaal Tacsi oo uu Madaxweynaha DFS u soo diray, oo ku adaan weerarkii Hotelkii Dusit D 2 ee magaalladda Nairobi.
Ra’isul-wasaare waxa uu Uhuru Kenyatta u muujiyey inay Somalia la garab taagan tahay Kenya dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo colaadaha xag-jirka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale Ra’sul-wasaaruhu sheegay in guul laga gaaray Howlgalka AMISOM ee ah sugida Amaanka guud ee Soomaaliya dhismaha xoojinta Hay,adaha amaanka .Degnaanshaha Bulshada iyo sidii loo Samayn lahaa lacagta cusub oo ay Dowlada Soomaaliya dadaalkeeda wato
Waxaa jira 50 kun oo shaqaale kenyaan ah oo ka shaqeeya soomaaliya kuwaas oo ka howlgala qeebaha kala duwan dhanka dhaqaalaha waxa Sidaasi yiri Ra’isul-wasaraha Somaaliya xasan cali khayre