Madaxwaynaha Jubbaland oo maanta khudbad ka Jeediyey furitaanka kala fadhiga Barlamaanka Jubbaland.

1033

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland   Axmed Maxamed Islaam oo maanta daahfuray kala fadhiga sadexad ee golaha wakiilada Jubbaland ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka iyo heshiis-kii doorasho ee madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha oo soo hadal qaaday arinta gobolka Gedo ayaa sheegay in wax-yaabihii  uu Tagay magaalada Muqdisho ay ugu waynayd arimaha gobolka Gedo, sidii ay xal uga wadda gaadhi lahaayeen isaga iyo madaxwaynaha qaranka Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxaana uu xusay in qabashada doorashada gobolka Gedo Jubbaland ay xaq u leedahay dowlad goboleedka Jubbaland  balse  madaxda dowlad federaalka ay ka dhex arkeen danno siyaasadeed oo iyagga u gaar ah,taasina aysan ahayn mid suurta gal ah.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ka hadlay  in muddo badan  ay Jubbaland raadinaysay Xalsiyaasadeed iyo sidii heshiis loola gali lahaa  dowladda federaalka Somaliya, maanta waxii ka Danbeeyanna aan Jubbaland cidnna u joojinayn.