Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland oo Shir Gudoomiyey kulan looga hadlaayey Xagjirnimada.

926

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa maanta shir gudoomiyey kulan looga hadlayey la dagaalanka Xagjirnimadda.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay ilaa sideed wasaaradood oo ka mid ah wasaaradaha Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo ka socday Xafiiska kusimaha R’salwasaaraha Soomaaliya.

Intii uu Shirku socday ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa fikradaha xagjirnimada oo kooxa argagixisida ay ku marin habaabiyaan dhalinyaro badan oo soomaaliyeed.

Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Garsoorka,Cadaalada iyo Arimaha diinta Jubbaland  DR Aadan Inshaar Cumar ayaa ka warbixiyey Shirka Markuu maanta dhamaaday.

“Shirkaan oo maanta uu shir gudoominaayey madaxwayne kuxigeenka Jubbaland waxaa looga hadlaayey sidii looga hortigi lahaa fikradaha guracan ee xagjirnimada iyo marin habaabinta dhalinyarada “sida waxaa warbaahinta u sheegay wasiir kuxigeenka wasaaradda Garsoorka,Cadaalada iyo Arimaha Diinta DR Aadan Inshaar Cumar.