Doolow:Tababar ku saabsan iskaashiga booliska iyo bulshada oo lagu soo gabagabeeyay

0
3
Wasaaradaha Amniga gudaha Dowladda Jubbaland ayaa degmada Doolow ku soo gabagabeesay tababarka Iskaashiga Booliska iyo Bulshada (Community Policing), kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha amniga iyo bulshada si loo adkeeyo nabadda iyo amniga deegaanka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Doolow Aadan Barre Cali oo si rasmi ah u soo xiray tababarka ayaa sheegay in boolisku ay door muhiim ah ka qaataan sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanka. Waxa uu xusay in iskaashiga dhow ee u dhexeeya bulshada iyo ciidamada booliska uu saldhig u yahay ka hortagga dambiyada iyo horumarinta amniga guud.
kulanka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Booliska Doolow, Maamulka, masuuliyiin ka socday wasaaradaha cadaalada iyo Amniga Jubbaland, macalimiin iyo saraakiil boolis ah.