Maamulka Deegaanka Janaa Cabdalle oo ka hadlay baahiyaha aas aasiga u bahan yihiin dadka ku nool deegaankaas

16

Gudoomiyaha Deegaanka Janaa Cabdalle ee galbeedka magaalada Kismaayo Daahir Xassan Xirsi oo waraysi gaar ah aan la yeelanay ayaa ka warbixiyey baahiya dhinaca Bulshada ee ka Jira deegaankaas.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in baahiyaha aas aasiga ay intooda badan ka maqan yihiin. Waxaa uu intaas ku daray in loo bahan yahay in bulshada deegaanka Janaa Cabdulle lagu taageero adeegyada kala duwan.

“Adeegyada bulshada aas aasiga ah aad bay nooga liitaan. Iskuul nooma dhisna. Wax waxbarasho ah oo meshaas taalla ma jirto. Dadka waxaa ku nool yihiin nin iyo duruuftiis”.Sidaa waxaa yidhi Daahir Xassan Xirsi

Gudoomiyaha Daahir Fanax ayaa waxaa uu sheegay in adeegyada kaliye ee haystaan bulshada deegaanka Janaa Cabdalle in ay yihiin xarun cafimaad oo ay maamusho hay’adda VCI iyo wasaaradda tamarta iyo Biyaha Jubbaland oo bulshada ku taageertay dayactir lagu sameeyey ila ha biyaha deegaanka.

“Hay’adda VCI ayaa waxaa ay dhistay shan qol oo Jiingad ah oo MCH ah iyo laba musqulood. Dhowr qof oo shaqaale ah ayaa u jooga. Gabadh umulisa ah maalin dhawayd ayaa la geeyey.Xaruntaas ayaa shaqaysa oo inta badan bixisa adeegyada cafimaad ee aas aasiga ah sida caruurta, Haweenka iyo qaabilada dadka bukaan socodka ah”. Sidaa waxaa Radio Kismayo u sheegay Gudoomiayaha deeganka janaa Cabdalle.

Deegaanka Janaa Cabdalle ayaa ka mid ahaa deeganadii ugu danbeeyey ee Dowllada Jubbaland ay Al-shabaab kala wareegtay laba sanno ka hor.Amaan ahaan deegaanka waa uu fiican yahay,Hasayeesha waxaa aad u yar hay’adaha samafalka ee ka howlgalla deegaankaas.

“ Wax hay’add ah oo deegaankaas taga oo samafal ah oo ama raashin geeya ama barnaamij lacageed geeya ma jirto. Wax hay’adda ah oo iyadu intay timid bulshada la fadhiisatay oo si madax-banaan xog aruurin u sameeyey sida VCI ma jirto”Sidaa waxaa yidhi Gudoomiyaha deegaanka Janaa Cabdalle Daahir Xassan Xirsi oo waraysi siiyey radio Kismaayo.