Wasiirka Deegaanka dowladda Jubbaland oo Kormeeray Goobaha Qashinka Kismaayo

33
Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Jubbaland, Mudane Caydiid Suleymaan Xaashi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah goobaha lagu shubo qashinka iyo kawaanka lagu qalo xoolaha ee magaalada Kismaayo.
Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda nadaafadeed ee goobahaasi, iyo sidii loo horumarin lahaa nidaamka maaraynta qashinka magaalada.
Wasiirka waxaa kormeerkan ku wehelinayay ganacsato Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa, kuwaas oo daneynaya inay ka hirgeliyaan deegaanka warshado casri ah oo lagu farsameeyo qashinka dib loogu isticmaali karo.
Ganacsatadan qurbo-joogta ah ayaa qorsheynaya in qashinka laga faa’iideeyo si loo soo saaro:
▶️ Koronto la isticmaali karo
▶️ Gaas laga isticmaalo cunnada
▶️ Alaabooyin kale oo la xiriira deegaanka iyo dib u warshadaynta
Wasiirka ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo nidaam waara oo lagu maareeyo qashinka, si loo yareeyo waxyeellada deegaanka, loona abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.
Wasaaraddu waxay mar walba soo dhoweynaysaa iskaashi lala yeesho ganacsatada iyo hay’adaha doonaya inay taageeraan dadaallada ilaalinta deegaanka iyo yareynta isbeddelka cimilada.