
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo ku asteysan maalinta xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maalintani tahay xusuus qaran oo mudan in la xuso, isagoo yiri:
“Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku asteysan 65 sano guuradii kasoo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed ee dalkeenna, markii ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga.
Munaasabaddan qiimaha leh, waxay astaan u tahay halgankii naf-hurnimada lahaa ee ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee dhiiggooda iyo maskaxdooda u huray xoriyadda dalkeenna.
Waa maalin aynu dib isu xusuusineyno qiimaha midnimada, wadajirka iyo mas’uuliyadda naga saaran sidii aan ugu midoobi lahayn himilooyinka waa weyn ee dalkeenna.”