
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Jubbaland ayaa fasaxday dhammaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn, munaasabadda 1-da Luulyo awgeed, maadaama ay tahay xuska maalinta xorriyadda gobollada Koonfureed iyo midnimada gobollada Koonfur iyo Waqooyi.
Wasaaraddu waxay sidoo kale hambalyo u dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubbaland, maadaama ay munaasabaddani ku asteysan tahay 65-guuradii kasoo wareegtay markii ay gobollada Koonfureed xornimada qaateen, isla markaana ay midoween gobollada Waqooyi iyo Koonfur. Wasaaraddu waxay ku bogaadisay shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay halgankii xornimada iyo midnimada dalka.