
Ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubbaland oo garab ka helaya Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe iyo saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta iyo horjoogayaal sar sare, kuwaas oo qorsheynayay falal amni darro iyo dhibaateyn shacabka ah.
Ciidamada ayaa ku guuleystay burburinta gawaari qaraxyo ah iyo godad ay gabbaad ka dhiganayeen.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo guul leh, isla markaana uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo argagixisada guud ahaan gobolka.