Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo La Kulmay Wakiillo ka Socda Hay’adda MEDAIR

66
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda MEDAIR, oo uu hoggaaminayey Gareth Hughes, Madaxa Mashaariicda Hay’adda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo hay’adda MEDAIR, gaar ahaan horumarinta mashaariicda caafimaad ee ay hay’addu ka taageerto Jubbaland. Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda dardargelinta adeegyada caafimaad si bulshada loogu gaarsiiyo deegaanada kala duwan ee Jubbaland.
Wasiirka iyo wafdiga hay’adda MEDAIR ayaa ku heshiiyay inay sii xoojiyaan wadashaqeynta si loo xaqiijiyo guulo la taaban karo oo dhanka caafimaadka ah.
Kulankani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ku horumarinayso adeegyada daryeelka bulshada.