
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Maxamed Islaam ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, kaddib safar shaqo muhiim ah oo uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa.
Safarka Madaxweynaha ayaa ahaa mid la xiriiray samatabixinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida siyaasadeed, iyo taageerada beesha caalamka ee dowlad-dhiska Soomaaliya. Safarkaasi oo guul kusoo dhammaaday.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare, saraakiil ciidan, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.