
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland, Mudane Mohamed Mursal Hersi ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha mashruuc xuduudeedka ‘BORESHA NABAD’ – sida Raama Garoore iyo Buulo Qalooc ee Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Agaasimaha Guud oo ay socdaalka ku wehliyeen Saraakil ka tirsan Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha Mashruuca Fulinayey ee DRC iyo RECIDA ayaa la soo kulmay beeralayda deegaanka soona arkay sida shaqada mashruuca ay u socoto.