
Waxaa duleedka magaalada Kismaayo ka qabsoomay Shirkii Isku Xirka Hay’adaha Amniga iyo Bulshada, kaas oo sida caadiga ah la qabto maalinta Arbaco kasta.
Shirka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo uu hormuud u yahay Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Degmada, Gaashaanle Warsame A. Red Geele, iyo guddoomiyeyaasha xaafadaha magaalada.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaalada amniga ee magaalada Kismaayo iyo guud ahaan deegaanada ku hareeraysan, iyadoo la isweydaarsaday xog iyo talooyin lagu horumarinayo wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.










