
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Jubbaland mudane Abshir Maxamed Cabdi oo ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa socdaal uu ku qiimeynayay xaalada amni ee magaalada waxa uu ku dhexmaray qeybo ka mid ah xaafadaha iyo suuqyada magaalada Ceelwaaq.
Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Jubaland ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Hormarinta mashaariicda iyo xiriirka Hay’adaha ee gobalka Gedo, saraakiisha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Ceelwaaq iyo masuuliyiin kale.




