Xisbiga Himilo Qaran oo ku Eedeeyay Dowladda Fashilka ku Aaddan U Diyaar Garow la’aanta Dhibaatooyinka Dabiiciga ah

28
Xisbiga himilo qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Dowladu aysan udiyaargarowin dhibaatooyinka qabsan kara Barakacayaasha xili roobaadka, qoraal lasoo dhigay Barta Facebook-ga ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa u qornaa sidaan
”Dadka danyarta ah, gaar ahaan barakacayaashu waa kuwa ugu nugul dhibaatooyinka noocan oo kale ah, taasoo muujinaysa baahida loo qabo dowlad u heelan in ay u adeegto muwaadiniinta, si siman oo karti iyo hufnaan leh”.