Khawaarijta As oo jab xoogan lagu gaarsiiyay deegaanka Kaam-Jaroon Gobalka Jubbada Hoose

21

Sagaal xubnood oo ka tirsan Khawaarijta isla markaana isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal sar sare ayaa maanta lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Kaam-Jiroon ee gobolka Jubbada hoose.

 

Howlgalkaan oo ay si wada jir ah isaga kaashadeen ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland, kumaandooska Danab iyo saaxibada caalamka ayaa qasaara xooggan lagu gaarsiiyey khawaarijta iyadoo looga dilay xubno muhiim u ahaa, isla markaana qeyb ka ahaa dhagarta loo maleego ummadda Soomaaliyeed.

 

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa Khawaarijta sidan oo kale deegaanada Wayaanta gaar ahaan Yaaqdabeyl looga dilay xubno sar sare iyo malleeshiyaad fara badan, iyadoona ay sii socdaan howlgalada lagu naafeenayo aragagaxisada.