Madaxweyne ku xigeenka labaad Jubbaland oo gudoomiyay kullan looga hadlayay hanaanka canshuur qaadista Gaadiidka

44

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Dowlada jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay qaadista Canshuuraha Gaadiidka Jubbaland.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Qeybaha ay quseyso Canshuurta gaadiidka sida, Wasiirka Wasaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Jubbaland, Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaadiidka, kusimaha Taliyaha Booliska Jubbaland ahna Taliyaha Booliska Gobolka Jubada Hoose, Taliyaha Booliska Degmada kismaayo, Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada iyo Masuuliyiin kale.

Muhiimada Shirka uu Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland uu la qaatay Masuuliyiinta aan soo xusnay ayaa ahaa sida loo dardar-galin lahaa qaadista Canshuurta Gaadiidka iyo in Masuuliyad la iska saaro ilaalinta Sharciga Wadooyinka Madaama ay Muhiim tahay gaadiid walbo in ay u dhameystiran yihiin Sharciga wado Marista.