Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland oo qabatay aqoon is weedaarsi ku saabsan sharciga Gaadiidka dhulka

79

Magaalada Kismaayo ayaa Maanta lagu qabtay aqoon-isweydaarsi iyo wadatashi ku saabsan hindise sharciyeedka gaadiidka dhulka ee Jubbaland, Kulankaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay gaadiidleyda Magaalada, xubno ka tirsan Iskaashatada gaadiidleyda Tawfiiq, iyo qaybo ka mid ah Bulshada Rayidka ee Jubbaland.

 

Xeerkan oo ay diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland, ayaa ujeedkiisu yahay in latashiyo lala sameeyo bulshada iyo gaadiidleyda Jubbaland si uu uga turjumo Xeerka baahiyaha dhabta ah ee bulshada.

 

Taliyaha Hoggaanka Nabadgelyada Wadooyinka Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdishakuur Sheekh Axmed, ayaa bogaadiyay hindise sharciyeedkan, isagoo xusay muhiimadda uu u leeyahay horumarinta amniga iyo nidaamka gaadiidka ee Jubbaland.

 

Maxamuud Ciise Xarbi, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland, ayaa gabagabadii kulanka faahfaahin ka bixiyay sharciyeyntan iyo doorka ay ku leedahay fududaynta adeegyadii gaadiidka ee Jubbaland.

 

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo kala duwan oo ay soo jeediyeen ka qaybgalayaasha, kuwaas oo loogu talagalay in lagu daro sharciyeynta si loo helo nidaam hufan oo wax ku ool ah.